Brief History

TAARIIKH KOOBAN

Puntland waxay qaadatay hannaanka xisbiyada badan si looga baxo nidaamka reeraha isla markaana loo helo hoggaamiye hammi sare leh oo dalka meel sare ku hubsada. Kaah ayaa soo baxay si uu uga shaqeeyo guud ahaan danaha ummadda, una adeego baahidooda.

Kolkii la arkay baahida loo qabo xisbi qaran oo ku foogganaada danaha ummadda isla markaana dalka ka saara duruufaha adag , waxa la yagleelay xisbigan 2020-dii. Kolkii la aasaasay xisbiga waxa la isku keenay guud ahaan aqoonyahannadii waddanka si loo dejiyo siyaasadda xisbiga ee hoggaaminta dal curdin ah oo dagaallo ka soo baxay. Xisbiga Kaah wuxuu isagoo ogsoon muhiimadda ay leedahay qorshe cad oo doorasho loogu diyaar garoobo, wuxuu ummadda u soo bandhigay siyaasaddiisa uu ku hagayo dalka kaas oo uu meel kasta gaadhsiiyay kuna qanciyay dadka reer puntland, taas ayaana keentay in xisbigu guul yaab leh ka soo hooyo doorashooyinkii madaxweyne ee sannadkii 2018-kii.